Dhul diyaarinta
- Ku carra-geddi dhulka digsiga cagafta ama yaambo.
- Adeegso Eerbish am yaambo si loo jajabiyo burarka carrada kana dhig mid furfuran.
- Si siman DAP ugu firdhi dhulka carradiisa la eerbishiiyeey adigoo siinaaya 50 kg hektarkiiba.
Abuuridda
- Isticmaal abuur daaweysan qiyaasta 8-10 Kg/ha.
- Ku abuur saf-saf iyadoo safafka leysu jirsiinaayo 0.40m, dhirtana leysu dhexeysiiyo 0.20m.
Xilliga abuuridda
- Xilliga Gu’a : 10 - 15 April.
- Xilliga Deyrta : 25 Sept- 5 October.
Ka hortagga cudurada iyo cayayaanka
- Dalag isku bedelid: ku badal beertii aad ku dhigtay digirta xiliga kale galey, masago IWM.
- Si looga hortago cayayaanada keena cudurrada fayraska, waa in la buufyaa 3-4 jeer kahor inta aanu faafin cayayaanka.
- Si looga hortago dulinada kala ah thrips/pod borer/aphids/white flies/leaf miners isticmaal sumaha sida: Neem oil, Russel iyo sun walba ku haboon.
Goysmada BeertaKu
- Dalag gurashadu waxaa la doorbidaa in gacan lagu sameeyo iyadoo xiliga roobka aan la sameeyneynin.
- Digir salbukada caadiga ah waa mid dhowr jeer la guran karo oo aan laheyn bislaansho wada siman.
- Iyadoo ku xeran xilliga iyo heerka qoyaanka carrada, digir salbukada caadiga ah waxaa la goosan karaa 3-5 jeer, halka salbukada Filsan laga guran karo hal jeer keliya.
Additional information
Weight | 1 kg |
---|---|
Maize / Galley | Untreated $1.5/1Kg |