+ (252) 61 - 705 - 1059 info@filsansomalia.com

Sesame

$3.00

/Kg  (Treated Seed = $3)

SEEDING RATE
GERMINATION RATE 95-99%
16-20 KG/HA
PURITY 99%

Doorasho dhul iyo diyaarin

  • Xulo Dhul siman, afuug ah/nafaqo leh, helina kara waraab.
  • Dhulka diyaari waqti dheer ka hor inta aan abuurka la gaarin adigoo adeegsanaya disc/yaambo.
  • Ku firdhi dhulka diyaarsan nafaqo dhuleedka Di-ammonium Phosphate - DAP 100 kg hetarkiiba.
  • Isticmaal eerbish (disc harrow) si aad u bur-burisid carrada waa weyn. Hadii dhulka yaryahay isticmaal qalabka
    yaryar ee gacanta eerbeshka bedelkii.
  • U bixi soolal/caro-tuur isu jira 0.80m adigoo adeegsanaya cagaf ku xiran soolkatoore ama adeegso kawaawaha gacanta. U xir-xir jibaal jibaal si uu waraabka kuugu fududaado

Abuur diyaarin iyo abuurid 

  • Isticmaal abuur tayo leh oo laga daweyay cayayaanka.
  • Saf-saf u beer, waxaa la dhiiri galinayaa in Safafka la-isu jirsiiyo 0.40m abuurkana 0.20m. Soolalka ka abuur labdiisa
    dhinac.
  • Isticmaal caagadaha yar-yar (biyaha caaga laga cabo) oo illaa sedex dallol/baq laga sameyay dusha furka. Tani
    waxey suurto galineysaa in 5 illaa 6 miro kabaxaan markiiba.
  • Xaqiiji in abuurka aad ku ridid 3-5 cm carada kuna dabool caro fudud.

Waraabka

  • Waraabi adigoo biyaha marsiinaayo soolasha/caro-tuurka dhexdooda si ay miraha ugu suurto gasho in uu si
    fudud u soo dhasho iyo in biyaha waraabka ay jirdaha wax yeeleynin.
  • Dhulka waraabka ah, waraabi illaa sedex jeer xilligiiba haddii aan roob di’in; haddii roob da’o ku llan waraabi
    mar illaa labo jeer.

Falka/Caws fallid

  • Fal beerta waraab kasta ka dib iyo ka hor goynta haddii aad u aragto in ay u baahantahay si loo helo miro nadiif ah.

Lun buuxin

  • Marka-horeba si looga hortago in ay dhacdo in aanu abuurka soo dhalan, isticmaal abuur tayo leh oo daweysan una
    abuur hab wanaagsan.
  • Haddii ay jiraan meelo banaan oo aan soo dhalan 5-7 maalin ka dib abuurida, buuxi meelaha banaan adigoo mar
    labaad abuuraya.

Bislaashaha iyo Goynta/Shafid

  • Ha goyn ee shaf geedka sisinta marka ay bislaato 75 boqolkiiba si looga hortago in ay daadato.
  • U dhig darbaal/derrin marka la tubaayo ama la nadiinaayo si looga hortago in miraha dhumaan/daataan.

 

Additional information

Weight 1 kg
Maize / Galley

Untreated $1.5/1Kg