Hab-raaca wanaagsan ee wax-soo-saarka Masegada
Dhul-diyaarin
- Ku carra-geddi dhulka digsiga cagafta ama yaambo. Adeegso Erbish
ama yaambo si loo jajabiyo burarka carrada kana dhig mid furfuran.
Abuuridda
- U abuur saf-saf adigoo isku jirsiinaayo 0.75m iyo 0.25m lumanka , si
aad u hesho 53333 geed/awal hektarkiiba.
Isticmaal abuur Masego oo sumeysan 7-10kg hektarkiiba.
Mudada soo biqlida waa 5 maalmood.
Bacriminta
- Si siman ugu shub dhulka 100kg oo DAP hektarkiiba xiliga dhul
diyaarinta/erbishka.
Ku shub yureeya 100kg hektarkiiba adigoo u kala qeybinaya 2
qeybood, marka hore; 20-30 maalmood biqlida kadib, qeybta kale;
45-50 maalmood biqlida kadib.
Ilaalinta Dalagga
- Isticmaal Neem Oil, Buldock Granular, iyo Russel.
Buufi 3-4 jeer ka hor inta uusan si xoog leh u dilaacin dhuun-qabadka
adigoo raacaya tilmaamaha badbaadada ee ku xusan warqada sunta
la socoto.
Additional information
Weight | 1 kg |
---|---|
Maize / Galley | Untreated $1.5/1Kg |